WARARKA SOOMAALI

Ciidanka ATMIS oo Dad isku qoys ah ku xasuuqay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ee saldhiga ku leh duleedka magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dad shacab ah oo isku qoys ahaa ku xasuuqay halkaas, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Ciidanka Uganda ayaa madaafiic ku garaacay deegaanka Mudul Baraawe oo ay degan yihiin dad shacab ah, isla markaana waxaa mid kamid ah madaafiicda uu ku habsaday gelinkii dambe ee shalay guri ay ku sugnaayeen dad isku qoys ahaa.

Inta la xaqiijiyay illaa lix carruur ah oo wada dhalatay, ayaa ku geeriyooday madfaca ku dhacay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, wararka ayaa intaas kusii daraya in madaafiic kale ay ka badbaadeen dad kale oo ka agdhawaa goobta.

Jimcihii ayay ahayd markii dagaalamayaasha Shabaabka ay weerar xoogan ku galeen xeradii ay Ciidanka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo xasuuq ba’an loogu geystay Ciidanka Uganda.

Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarka ku leysay Askar farabadan oo Ugandes ah.

Ciidanka ATMIS oo Dad isku qoys ah ku xasuuqay Shabeellaha Hoose
To Top