WARARKA SOOMAALI

Sheekh Shariif iyo R/Wasaareyaal hore oo ka horymid Go’aankii Golaha Wadatashiga

Madaxweyne hore iyo Ra’iisul Wasaarayaal hore ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah go’aanadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, kadib shirkii Madaxda Golaha ku yeesheen magaalada  caasimadda ah ee Muqdisho.

War-murtiyeed si wadajir u soo saareen Mas’uuliyiinta hore iyo siyaasiyiinta ayaa ku tilmaamay qaar ka mid ah qodobada ay soo saareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran inay baalmarsan yihiin shuruucda u yaalla dalka iyo awood qeybsiga.

Waxaa ay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu ka soo bilowdaan hey’addaha u asteysan lagana tala geliyo bulshaweynta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in shirkii Golaha Wadatashiga uu ahaa mid aysan u dhameyn madaxda maamul Goboleedyada, waxa ayna xuseen in go’aannadii shirkaasi kasoo baxay khatar gelin karo midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka lasoo saaray

 

 

Sheekh Shariif iyo R/Wasaareyaal hore oo ka horymid Go’aankii Golaha Wadatashiga
To Top