WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay heshiiskii Golaha Wadatashiga

Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaio ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran ay heshiiska uga gaareen nidaamka doorashooyinka dalka.

Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay inuu kusoo dhaweynayo arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda.

Waxa uu tilmaamay Madaxweyne Farmaajo in arrintaan oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan.

“Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo oo xildhibaan ka tirsan baarlamaankana ah ayaa dhinaca kale madaxda heshiiskaas gaartay xasuusiyay muhiimada ay leedahay in nidaam kasta oo cusub oo loo guurayo la qaato iyadoo heshiis wadatashi ah lagu gaaray.

Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay heshiiskii Golaha Wadatashiga
To Top