WARARKA SOOMAALI

Kalfadhiga 3-aad ee BFS oo Maanta furmay & Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay

Kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sarre Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hadal ka jeediyay munaasabdda furitaanka kalfadhiga Seddaxaad ee Baarlamaanka labada aqal ayuu xildhibaannada hortooda uga warbixiyay shuruuc muhiim ah oo Baarlamaanka 11-aad  ay ansixiyeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha deyn cafinta, Guddiga Dib u Eegista  Dastuurka iyo Guddiga la Socodka  Dastuurka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in si deg deg ah loo gudo galo dib u eegista Dastuurka, isagoo sheegay in laga baxo dastuur KMG ah, loona soo gudbiyo Xildhibaanada si ay Goluhu u helaan waqti ku filan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlaayay dhisidda guddiga madax banan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa tilmaamay in dalka uu helo doorasho ku dhisan dimoqraadiyad iyo xorrnimo, Xildhiibanada soo socdana lagu soo doorto codeyn dadweyne, si taas loo gaaro ayuu gudoomiyuhu soo hadal qaaday in la soo gudbiyo Sharciga Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn furay islamarkaana soo xiray kullanka maanta ayaa marka hore ka mahadceliyay  Ansixinta 11-ka sharci ee Baarlamaanka meel mariyeen iyo guddiga KMG ee dib u eegista Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurka lagu sameeyo dalka gudihiisa, waxaana uu ahmiyad gaar ah siiyay Federaaleeynta garsoorka dalka, qaabeynta Amniga iyo Doorashooyinka Qaranka, la dagaalka argagixisada, dhismaha Ciidanka iyo ka hortagida ku mil mida arrimaha Siyaasadda, isagoona tilmaamay in dib loo bilaabi doono wajiga labaad ee Dagaalka, iyo soo afjarida Khawaariijta.

Kalfadhiga 3-aad ee BFS oo Maanta furmay & Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay
To Top