WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo Maanta ka dhacay Diinsoor

Dagaal u dhexeeyay ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, dagaalka ayaa ka danbeeyay, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Itoobiya.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin Karin inta uu la egyahay, maadaama goobta lagu dagaalamay aan laga agdhawaan karin.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Itoobiya ay adeegsanayeen madaafiic cul-culus, kuwaasi oo si weyn looga dareemay degmada Diinsoor  ee Gobolka Baay iyo degaannada hoostaga, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka.

Degmada uu dagaalka ka dhacay ee Diinsoor ayaa la soo sheegaya in xaaladeedu degan tahay, waxaana halkaasi gacanta ku haya ciidamada Ethiopia, kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Jimcihii ayay ahayd markii dagaalamayaasha Shabaabka ay weerar xoogan ku galeen xeradii ay Ciidanka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo xasuuq ba’an loogu geystay Ciidanka Uganda.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo Maanta ka dhacay Diinsoor
To Top