WARARKA SOOMAALI

VIDEO: Banaanbax lagu taageerayo dib u Doorashada Erdogan oo ka dhacay Muqdishio  

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta ka dhacay bannaabax ballaaran oo lagu taageerayo dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiye Recep Tayyip Erdogan oo shalay ku guuleystay wareega labaad ee doorashada dalkaas ka dhacday.

Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Xildhibaano ka tirsan DFS, Guddoomiyahaasha Degmooyinka iyo boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeediyay qudbad la xariirta doorka uu Madaxweyne Erdogan ku lee yahay dib usoo kabashada Dalka iyo xoojinta dhismaha qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Madaale ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiye Recep Tayyip Erdogan Imaashiyahiisa magaalada caasimadda ee Muqdisho ay wax weyn ka badashay aragtidii caalamka ee ka qabeen Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale loo doortay inuu 5-ta sanno ee soo socota uu hoggaamiyo Madaxtinimada dalka Turkiga. Caalamka oo dhan ayaa soo dhaweeyay dib u doorashada Erdogan.

VIDEO: Banaanbax lagu taageerayo dib u Doorashada Erdogan oo ka dhacay Muqdishio  
To Top