WARARKA SOOMAALI

RW Xamse oo Garaadada SSC kala hadlay xal u helida xaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Gobolka  Sool, kuwaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida.

Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka.

Garaadada ayaa habeen kahor kulan la qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo kala hadlay xaaladda Laascaanood iyo Colaada ka jirta halkaas, ee sababtay dhimashada boqolaal qof, halka kumanaan kun oo qof kalena ay ku barakaceen.

RW Xamse oo Garaadada SSC kala hadlay xal u helida xaalada Laascaanood
To Top