WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Weerar Qaraxyo oo AS ku qaaday Masagaaw

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo aroornimadii hore ee saaka dagaalamayaasha  Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagaaw ee gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Macawiisleyda iyo raggii weerarka qaaday ee Shabaabka ka tirsan , sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay hayeen xogta weerarkan, isl-markaana ay ka hortageen, ayada oo dagaalkuna uu ka dhacay duleedka deegaanka.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada federaalka Soomaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu jabiyay weerarkaasi, sidoo kalena khasaare culus lagu gaarsiiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa mahadsanyihiin Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee Saaka dhabarka ka jabiyay Khawaarijta aagga Masagawaa, faahfaahin idin farxad galisa ayaa soo socota insha allaah, alle ayaa mahadsan”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

Wararkii ugu danbeeyay Weerar Qaraxyo oo AS ku qaaday Masagaaw
To Top