WARARKA SOOMAALI

Rag qorsheeyay weerar ka dhan ah Aadan Madoobe  & Lafta-gareen oo la qabtay

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeyay inay weerar ka geystaan magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin farabadan.

Ragga la qabtay oo gaarayay saddex nin ayaa waxaa la sheegay inay doonayeen inay weeraraan goob ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale.

Howlgal qorsheysan oo sameeyeen ciidanka NISA ayey kusoo qabteen ragga ka tirsan Al-shabaab, waxaana raggaas muuqaal laga soo duubay laga baahiyey Telefashinka ku hadla Afka dowladda, kuwaasi oo xireen laamaha amniga dowladda ee Baraawe.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Saciid Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ku sugan mgaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo halkaas u tagay dhagax dhiga dekadda magaaladaas Baraawe.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xoogga saareysa inay ka hor tagto weerarrada ka imaanaya Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo dhanka sirdoonka, waxaana mudooyinkii dambe sidaan oo kale loo fashiliyey weerarro dhowr ah.

Rag qorsheeyay weerar ka dhan ah Aadan Madoobe  & Lafta-gareen oo la qabtay
To Top