WARARKA SOOMAALI

Ukraine oo Diyaarado ku duqeysay Caasimadda Moscow & Ruushka oo…

Dhowr diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa ayaa waxay weerareen Caasimadda dalka Ruushka ee Moscow.

Qoraal uu Guddoomiyaha Gobalka Moscow, Andrey Vorobyov soo dhigay Bartiisa Telegram ayaa waxa uu ku xaqiijiyey in Diyaaradahaasi oo Ukraine laga lahaa lagu wada toogtay meel ku dhow Caasimadda Moscow.

“, Dadka Deegaanka ee ku nool dhowr Degmo ee Gobalka Moscow ay maqli karayeen Dhawaaqa Qaraxyo, wuxuuna ahaa Hawlgal ay fuliyeen Ciiddankeena Difaaca Cirka” ayuu yiri Mas’uulkaasi.

Mar sii horeysay, Duqa magaalada Moscow, Sergey Sobyanin ayaa soo weriyey inay dhowr dhismo oo ku yaalla Caasimadda uu soo gaaray Burbur kooban, kadib, Weerarkii diyaaradaha Drones-ka ee lagu soo qaaday Moscow.

Qoraal uu Duqa magaalada Moscow soo dhigay Bartiisa Telegram ayuu ku sheegay in dadka laga daad-gureeyey Guryo ku yaallay dhowr Dhismo (Apartment) oo ay Diyaaradaha Darooniska burburka u geysteen.

Ukraine oo Diyaarado ku duqeysay Caasimadda Moscow & Ruushka oo…
To Top