WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo khadka Telefoonka wada-hadal kula yeeshay Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo Axadii todobaadkaan dib loogu doortay Madaxtinimada dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Madaxweyne Turkiga Rajab Dayib Erdogan ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalka Turkiga, sida lagu sheegay War qoraal oo kasoo baxay Madaxtooyada.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Turkiga magaalada Muqdisho ku leeyihiin saldhig milatari oo aad u weyn, kaa oo tababaro lagu siiyo ciidamo Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo khadka Telefoonka wada-hadal kula yeeshay Erdogan
To Top