WARARKA SOOMAALI

Xaalad halis ah oo ka jirto deegaano ka tirsan Gedo iyo Qeylo-dhaan…

Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaas ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto abaar ba’an oo saameeysay dadka deegaanka.

Guddoomiyaha maamulka Ceel-waaq Ibraahim Aadan Guuleed oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in degmada iyo dhammaan deegaanada hoostega ay ka jiraan abaaro daran oo ay kamid yihiin Biyo la’aan iyo Cunto yari.

Guddoomiye Ibraahim aya sheegay in labadii xili ee ugu dambeeyay uusan roob ka da’in Ceel-waaq, taasna ay keentay abaarta oo saameeysay dadka iyo xoolaha, maadama la waayay biyo oo Ceelashii ay biyaha ka go’een, sidoo kalena la waayay daaqa xoolaha.

Dadkii kunoolaa deegaanka oo u badnaa xoolo dhaqato ayuu Guddoomiyaha Carabka ku dhuftay inay halkaas isaga barakaceen oo ay aadeen deegaano kale, isla markaana ay jiraan dad haray oo qaarkood heysan nolol oo  abaar daran ay heyso.

Sidoo kale Guddoomiyaha maamulka Ceel-waaq ayaa tilmaamay inay jiraan Hay’addo ka shaqeeya arrimaha Bani’aadanimada oo baaq u direen, si ay u xaawiyaan dadka dhibaateysan, isagoo xusay in baaqooda ay kasoo Jawaabtay Ha’adda WFP.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ibraahim Aadan Guuleed ayaa dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ugu baaqay inay Gargaar deg deg ah lasoo gaaran dadka ay saameysay abaarta ka jirto Ceel-waaq iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.

SOMALI NEWS

To Top