WARARKA SOOMAALI

Taliye ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho oo xilka laga qaaday

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowladda Federaalka Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaaday Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Wareegto uu soo saaray Taliye Xijaar ayuu xilka uga qaaday Taliye Cabdirisaaq Gaas, waxaana xilka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne u magacaabay Sharmaake Xasan Maxamuud.

Taliye Cabdirisaaq Gaas ayaa maalmo kahor ku dhaawacmay Qarax ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Xamarweyne, kaasi oo ka dhashay Jaakad lagu tuuray halkaas, isagoona ku dhaawacmay Gaas.

Taliye Cabdirisaaq Gaas ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Ciidamo eryanayay Ninka watay qaraxaas oo shacabka ay kusoo wargeliyeen Ciidamada, kaasi oo markii dambe Ciidanka Booliska dowladda ay gacanta ku dhigeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowladda Federaalka Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale xalay xilka qaadis ku sameeyay Taliyihii qeybta Walliyow Cadde, isagoo mid cusub u magacaabay Taliskaas.

SOMALI NEWS

To Top