WARARKA SOOMAALI

Wufuudii Maraykanka ahayd oo diyaarado Gurmad oo deg deg ah dalbay iyo Kulamo aan loo kala kicin oo ka dhacay xarunta maamulka Khaatumo.

Ka dib laba habeen oo ay ku sugnaayeen magaalada Buuhoodle xubno ka socda dalalka Galbeedka una badan dalka Maraykanka, ayeey waxay xog buuxda ka qaateen maamulka Khaatumo golayaashiisa kala duduwan, ayagoo kulamo aan loo kala kicin la lahaa qaybaha kala duduwan ee golayaasha maamulka , sidoo kale waxay warbixin buuxda ka heleen dhibaatooyinka balaadhan ee haysta dadka deegaanada Khaatumo ee mudada 30ka sano ah cunaqabateyntu saarneyd, waxayna maanta booqdeen xarumaha ay jiifaan dadka u soo daadatay xanuunka Shubanka, kuwaasoo buux dhaafiyey Cusbitaalka Daryeel iyo duleedada magaalada, waxay si deg deg ah u dalbadeen Diyaarad dawo iyo Naffaqo ah waxayna sheegeen inaysan tagayn ilaa ay diyarad dawo ah keenaan Buuhoodle.

Xubnaha ayaa sidoo kale si weyn ugu baraarugey dhibaatada dadkan lagu hayo ee ay ka mid tahay Isbaaradii loo dhigtay Garoowe , waxayna sidoo kale ogaadeen in shacabka reer Khaatumo yihiin kuwa maamul buuxaleh, waxa ay maanta la kulmayaan odayaasha dhaqanka, Culimada, Ururada Bulshada, Haweenka, Ardayda iyo dhamaan shacabka magaalada. Kulamadan ayaa si joogto ah uga soconayey hotel Abdi Gurey Plaza oo ah xarunta madaxtooyada ee maamulka Khaatumo ku shaqeeyo.

Waxayna ka dhagaysan doonaan baahiyaha ay qabaan, ayagoo la soo baqooli doona Xogo buuxa oo ku saabsan deegaanka.

Waftigan ayaa ahaa xaqiiqo raadin, waxana ay wax badan kula soo noqon doonaan dalalkooda.

Horufadhi,[email protected]

SOMALI NEWS

To Top