WARARKA SOOMAALI

Weerar sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaanka Dhabad ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saqdii dhexe ee xalay uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaaday Xarunta ay degaankaas ku leedahay hay’ad.

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa weerarkaasi ku qaaday Xarunta hay’ad ka shaqeysa Miino baarista ee Hello Interest oo Xarun ku leh deegaanka Dhabad ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Inta la xaqiijiyey laba kamid ah shaqaalaha hay’adda ayaa ku geeriyooday weerarka, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka Dhabad, dhaawacyada ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu la xiriiray aanooyin qabiil oo horey uga dhacay deegaano ka tirsan Galgaduud, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday raggii ka dambeeyay weerarkaas sababay khasaaraha kala duwan.

Maamulka Galmudug ayaan welin ka hadlin weerarka ka dhacay deegaanka Dhabad, dhowr jeer oo horey ayaa sidaan oo kale waxaa ay weeraro khasaaro dhaliyey uga dhaceen Gobolka Galgaduud, weerarada ayaana salku ku haayey aanooyin beeleed.

Weerar sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Galgaduud
To Top