WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:Wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo goor dhow Qarax lagu dilay

Jugta qarax xoogan ayaa dhowr daqiiqo kahor laga maqlay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana qaraxa uu ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qofka Is-miidaamiyaha ahaa uu toos u beegsaday Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday Saaladdii Jimcaha.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu ku dhintay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed oo lagu magacaabi jiray Xasan Ibraahim Lugbuur iyo qaar kamid ah illaaladiisa oo la socday, sidoo kalena waxaa jira dad shacab ah oo waxyeelo kala duwan kasoo gaartay qaraxa.

Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa durbadii goobta isku gadaamay oo xiray, isla markaana waxaa socda gurmad xoogan oo loo sameynayo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo.

DEG DEG:Wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo goor dhow Qarax lagu dilay
To Top