WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo Magaalada Hargeysa ka bilowday masaafurinta Dadka Ajaanibta ah

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha u qaabilsan Somaliland ayaa saaka Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ka dhoofisay qoysas u dhashay Qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo muddo ka badan 25 sano ku noolaa halkaas.

Dadkaan oo gaaraya ilaa 34 Ruux ayaa isugu jira Hooyooyin da’ah, Haween iyo Carruur ayaa dhaqaalaha lagu daad gureeynayay bixisay Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha ee IOM, iyada oo Somaliland sheegtay in dadkaan ay ahaayeen kuwo markii hore tahriib kusoo galay degaanadooda oo sharci darro ku joogay.

Agaasimaha Waaxda soo noqdayaasha ee hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Rooble Ibraahim Axmed ayaa u mahad celiyey Hay’adda IOM oo kaalin laxaadle ka qaadatay celinta dadkan , isla markaana kuwo kale ee haray dib loogu celin doono dalkoooda Itoobiya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadkaan ay si iskood ah u dalbadeen in lagu celiyo dalkooda Itoobiya, isaga oo u mahad celiyay Hay’adda IOM oo qeyb ka qaadatay dib u celinta dadkaas.

Somaliland ayaa todobaadkaan soo saartay inay muddo 20 Cisho gudahood ah ee degaanadeeda isaga baxaan dadka Ajaanibta ah ee aan sharciga heysan, taas oo keentay in Maanta qaxootiga Oromada dib loogu celiyo dalkooda Itoobiya.

Somaliland oo Magaalada Hargeysa ka bilowday masaafurinta Dadka Ajaanibta ah
To Top