WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday degaanka Aato

Wararka ka imaanaya deegaanka Aato ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Al-shabaab ay saaka weerar madaafiic ah ku weerareen xaafado ka tirsan degaankaas.

Duqeynta ayaa laga maqlay dhammaan degaanka Aato iyo nawaaxigeeda sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Madaafiicda ayaa la tilmaamay in ay ku dhaceen xaafado ay deganyihiin dad shacab ah iyo saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha deegaanka Aato.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay inay jiraan dagaalo toos ah oo saacado qaatay kuwaasoo dhexmaray ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan iyo xoogaga Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaalo xoogan ay dhexmarayeen Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab, waxaana dagaalada ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada kala gaaray.

Faah faahin kasoo baxeysa Al-shabaab oo saaka weerar ku qaaday degaanka Aato
To Top