WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Amniga Muqdisho ee faraha kasii baxaya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay ay kusoo badanayeen falal amni darro iyo dhaca baahsan oo geysanayaan burcad hubeysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inuu la socdo dhibaatada amni darro ee xilligaan ka jirta Magaalada Muqdisho, isla markaana waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay wadashaqeyn la yeeshaan laamaha ammaanka.

Wuxuu uu intaas kusii daray Madaxweynaha in shacabka Caasimadda ah ay wajahayaan amni darro gaar ahaan waxa uu soo hadal qaaday dhaca, oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo burcad ah, isagoona xusay in arrintaas wax laga qabanayo.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

“Dadka deggan magaalada Muqdisho waxaan leenahay walaalayaal ciidamada amniga halala shaqeeyo, waxaan leeyahay dib ha isugu noqdaano,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid muddooyinkii dambe faraha kasii baxayey, iyadoona dadka kunool Caasimadda ay wajahayaan dhac baahsan oo u geysanayaan burcad, sidoo kalena ay jiraan Ciyaal weero dadka iska dila.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Amniga Muqdisho ee faraha kasii baxaya
To Top