WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday DF oo Dal ku yaal uga qeyb galay Shir looga hadlay Arrimo muhiim

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa mgaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda uga qeybgalay shireyne lagu qabtay Magaaladaas,

Shirka ayaa looga hadlay Arrimaha Isbeddelka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo Madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Ergeyga oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa qudbaddiisa kaga hadlay dhinacyo badan isagoo carabka ku adkeeyay in soomaaliya oo meel hoose kaga jirga waddamada wasqeeya hawada (carbon emissions 0.03) ay haddana tahay Wadamada ugu horeeyo ee ay dhibaatooyinka ugu badan kasoo gaareen is beddelka cimilada.

Wadada ugu habboon ee loo mari karo xalka ayuu Ergeygu ku sheegay isla shaqeyn iyo iskaashi Soomaaliyana iyada oo ay Soomaaliya diyaar u tahay kala shaqeynta wadamada Africa iyo caalamka sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka is beddelka cimilada.

Wafdi ka socday DF oo Dal ku yaal uga qeyb galay Shir looga hadlay Arrimo muhiim
To Top