WARARKA SOOMAALI

DFS oo War kasoo saartay Boqolka milyan oo dollar ee Baanka Adduunka

Baanka Adduunka ayaa ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana tallaabadaa ka mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu Baanka Adduunka uga mahadceliyay ansixinta lacagta $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Sii-hayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in la saxiixo heshiiskan cusub, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.

“Aad baan ugu hanweynahay in aan saxiixo heshiiskan cusub maanta, run ahaantiina waxa uu gacan ka geysan doonaa maalgelinta mudnaantayada mustaqbalka.”ayuu ku yiri wasiir Beyle 00 qoraal soo dhigay Twitter-ka.

Bangiga adduunka ayaa ku taageeray dhaqaalahan Soomaaliya, kadib marki dowladdu xoojisay daah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga gudaha iyada oo loo marayo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dawladda dhexe.

DFS oo War kasoo saartay Boqolka milyan oo dollar ee Baanka Adduunka
To Top