WARARKA SOOMAALI

Weerar lagu qaaday Guriga uu degan yahay Guddoomiyihii hore ee degmada….

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo xalay lagu weeraray Hoyga ee Magaaladaasi uu ka degan yahay Gudoomiyihii hore ee degmada Baraawe.

Kooxo hubeysan ayaa beegsaday guri gudoomiyaha , waxaana la sheegay in Ciidankii ilaalada ka hayay ay rasaas ku fureen.

Gudoomiyaha la weeraray oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarka isaga iyo sidoo kale ciidankii ilaalada ka hayay.

Howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Magaalada ayaa ka socda Baraawe Xilli dhawaan lagu waddo in lagu qabto doorashada golaha Shacabka.

Weerar lagu qaaday Guriga uu degan yahay Guddoomiyihii hore ee degmada….
To Top