WARARKA SOOMAALI

Roobab xoogan oo ka da’ay Gobolo ka tirsan dalka, xili ay ka jireen Abaaro darran

Roobab Xoogan ayaa laga soo sheegaya deegaanada xeebaha ah ee ku teedsan Gobalada Nugaal iyo Mudug xilli gobalada dalka ay ka jireen Abaaro xoogan oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada reer Guuraaga ah.

Deegaanada hoostaga degmada Eyl kuna teed’san xeebta ilaa Garacad oo gobalka Mudug katirsan, ee roobabka laga soo sheegay waxaa ka mid ah Suuj, Godob jiraan, Gabac, Ladaga, Maraya, Kabaal iyo Garmaal oo dhammaantood ah Gobalka Nugaaal.

Deegaanadan ayaa ka mid ahaa meelaha sida wayn looga soo sheegayay biyo la aanta saamaysay nolosha xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.

Roobkan ayaa sidoo kale ka curtay degmooyinka Bariga Mudug kuwaasi oo isugu jiray xeebta iyo Howdka degmada Godob jiraan iyo deegaanada u dhaxeeya Gobalada Nugaal iyo Mudug.

Ilaa shalay waxaa iyana roobab lagu diirsaday ka da’een deegaano hoostaga Gobalka Bari kuwaasi oo ay ka da een roobab goos-goos ah.

Roobab xoogan oo ka da’ay Gobolo ka tirsan dalka, xili ay ka jireen Abaaro darran
To Top