WARARKA SOOMAALI

Taliska Ciidanka PSF oo shaaciyay in aysan ka amar qaadan doonin ciddii la shaqayneysay…

Hay’adda PSF ayaa sheegtay in Saraakiisha iyo Ciidamada PSF ay u dhisan yihiin la dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada iyo kuwa kasoo horjeeda Maamulka Puntland oo aysan aheyn Ciidamo ku Milan Arrimaha siyaasadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda PSF ayaa lagu shaaciyay in aysan awaamiirta dhanka Amniga ka qaadan doonin ciddii shalay la shaqaynaysay Cadowga, inkastoo aysan sheegin magaca ciddaas.

PSF ayaa sheegtay in Ciidamada iyo Saraakiishooda yihiin kuwa tababar fiican leh oo ku filan Amniga Shacabka, isla markaana aysan diyaar u aheyn inay weeraraan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo loo soo daabulay.

Sidoo kale War-saxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda PSF ayaa waxaa ku sheegeen in aysan ku milneynin Arrimaha siyaasadda iyo Ururada, hayeeshee haatan si ula kac ah loo soo farageliyay, iyagoona arrintaas ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Taliska Ciidanka PSF oo shaaciyay in aysan ka amar qaadan doonin ciddii la shaqayneysay…
To Top