WARARKA SOOMAALI

Dad badan oo ku dhintay weerar dhacay Ruushka & wararkii ugu danbeeyay

Ugu yaraan 15 qof oo 11 kamid ah ay yihiin Carruur ayaa ku dhintay Nin hubeysan oo weerar ku qaaday dadkaas oo ku sugnaa dugsi ku yaalla Jamhuuriyadda Udmurtia ee dalka Ruushka, sida ku warrantay warbaahinta maxaliga.

Ninka weerarka geysta oo lagu magacaabo Artem Kazantsev ayaa da’diisu tahay 30-sanno jir, wuxuuna ka qallin-jebiyey dugsiga No. 88 kaasoo ah dugsi ay dhigtaan arday isugu jirta, heerka barbaarinta illaa dhamaadka dugsiga sare.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 24 qof oo 22 caruur yihiin, waxaana dadkaas durnadii loola cararay Isbitaalo ku yaalla dalka Ruushka.

Toogashada Iskuulada iyo xarumaha kale ee waxbarashada ee dalweynaha Ruushka iyo jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka ayaa aad naadir u ahaa ilaa laga soo gaadhayo sannadihii ugu dambeeyay, markaasoo tirada toogashooyinku ay kor u kaceen.

Qaybo ka mida macluumaadkan waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP

Dad badan oo ku dhintay weerar dhacay Ruushka & wararkii ugu danbeeyay
To Top