WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Mas’uul ka tirsan Dowladda oo lagu qarxiyey Muqdisho

Qarax ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay agagaarka Barta koontarool ee laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada dhanka xiga Isgoyska Seyidka ee Magaalada Muqdisho, waxaana jugta qaraxa laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ahaa miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo uu watay mas’uul ka tirsan dowladda gaar ahaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo lagu magacaabo Musharaf Mohamed Mo’allim, isla markaana waxaa soo gaaray dhaawac halis ah.

Dhaawac daran oo soo gaaray ayaa looga qaaday goobta, waxaana haatan xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, sida ay ku warrameen qaar kamid ah eheladiisa.

Musharaf Mohamed Mo’allim ayaa kamid ah shaqaalaha ugu firfircoon ee xafiiska xeer ilaalinta Maxkanadda ciidamadda, wuxuuna qaraxa lala eegtay uu kusoo beegmay maalin kadib markii Hay’adaha Garsoorka ee dalka digniin adag u direen dadla u cadaalad raadsada Al-shabaab.

Si kastaba ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa maalmihii dambe u muuqday mid ay kusoo badanayaa falalka amni darro, waxaana haatan soo batay dilal qorsheysan oo ay geysanayan rag dhallinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado.

Faah faahin: Mas’uul ka tirsan Dowladda oo lagu qarxiyey Muqdisho
To Top