WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: DF oo Muqdisho dib ugu soo celisay Tahriibayaal Dal ku xannibnaa

Xafiiska Ergayga gaarka ee dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan.

Dadkan ayaa kal hore kazoo baxsaday Magafe oo ah koox ka ganacsata isla markaana ciqaaba tahriibayaasha, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariiray Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Waxaa Garoonka Diyaarradaha ku soo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb; Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac “Huruuse” oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

SAWIRRO: DF oo Muqdisho dib ugu soo celisay Tahriibayaal Dal ku xannibnaa
To Top