WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Ciidanka Dowladda oo gubay gaadiid ay lahaayeen Al-shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayey Ciidanka deegaanka ee Macwiileyda ayaa gaadiid farabadan oo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab ku gubay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo shalay qabsadeen Ciidamada.

Ciidamada dowladda ayaa dab xoogan qabadsiiyey gaadiidka oo u badnaa Cabdibilayaal, isla markaana waxaa la tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay deegaanka Buq-aqable uga carareen, kadib markii halkaas ay tageen Ciidanka iyo kooxda macwiileyda.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgal qorsheysan oo dhacay lagu dilay 11 ka tirsanaa Al-shabaab, iyagoona intaas kusii daray inay Buq-aqable ka wadaan howlgal miino baaris ah.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayey Ciidanka deegaanka ee Macwiileyda ayaa howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ka wada Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo khasaaro xoogan dhaliyey.

SAWIRRO: Ciidanka Dowladda oo gubay gaadiid ay lahaayeen Al-shabaab
To Top