WARARKA SOOMAALI

Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi oo geeriyooday

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi oo ka mid ahaa culimada ugu caansan Islaamka, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 96 jir ah, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay bartiisa rasmiga ah ee twitter-ka

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.

Sheekha ayaa aad u dhaliili jiray Madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

Sheekh Yuusuf Al-Qaradawi oo geeriyooday
To Top