WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Mas’uul cusub magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa magacaabay Agaasime cusub oo kamid noqonaya Agaasimeyaasha Wasaaradda  Arrimaha Gudaha.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Mukhtaar Xuseen oo ku taariikheysneyd 11-kii bishaan Octoober 2021  ayaa waxaa Cabdiqani Maxamed Wehliye loogu magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Diiwangalinta Madaniga ee Wasaaraddaas.

Sababta keentay magacaabista ayaa waxaa lagu caddeeyay Wareegtada in howlaha baaxadda leh ee Wasaaradda u xil-saaran tahay iyo in lagama maarmaan tahay in la helo dad aqoon u leh, si loo fuliyo howlahaas.

Sidoo kale Agaasimeyaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Agaasime Cabdiqani Maxamed Wehliye oo bedelaya Mas’uuliyiin isaga ka horreeyay ee xilkaas haayay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Mas’uul cusub magacaabay
To Top