WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Rooble oo shaaciyay xiliga ay bilaabaneys Doorashada Golaha Shacabka ee…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabaneyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Rooble ayaa xusay in maanta ay si toos ah u bilaabaneyso diyaar garoowga qabashada doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, isla markaana todobaadka soo socda la qabanayo doorashada, taasina ay ku heshiiyeen Mahdi Guuleed iyo Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxda maamul Goboleedyada ka dalbaday inay si dhaqsi ah u bilaaban doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka, kuna soo gaba-gabooban si nabad galyo ah oo aan dhibaato laheyn, uuna rajio wanaagsan ka muujiyay arrintaas.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay bilaabeyso gurmad loo fidiyo Dadka ay abaaraha iyo biyo la’aanta ku saameysay degaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

DAAWO:-Rooble oo shaaciyay xiliga ay bilaabaneys Doorashada Golaha Shacabka ee…
To Top