WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Baarlamaanka Carabta oo War kasoo saaray Guushii Somalia ee kiiska Badda

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa War kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo Go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee kiiska badda ee u dhexeeyay Somalia iyo Kenya.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan.

Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii laga saaray kiiskii Dacwada Badda ee muranka gelisay Kenya, balse Maxkamadda ICJ ay dhul-badeedkii Kenya ku doodeysy u xukmisay Soomaaliya.

Sidoo kale Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka taageerayo dhinaca horumarinta, amniga iyo dhaqaalaha doorashooyinka, sida uu VOA-da u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka qeyb galay Shirka Baarlamaanka Jaamacadda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Baarlamaanka Carabta oo War kasoo saaray Guushii Somalia ee kiiska Badda
To Top