WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-MW Bixii oo ka hadlay dadkii Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay kasoo musaafuriyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolla Sool iyo dadka u doodaya.

Madaxweyne Biixi waxaa uu sheegay in dadkaasi Somaliland xamili weysay amni ahaan iyo Dhaqaalo ahaan, balse ay gawaari kusoo qaadeen, iyaga oo si nabad ah ugu wareejiyay Maamulka Puntland si ay u gaaraan degaannada Koonfur Galbeed oo ay kasoo jeedaan.

Isaga oo ka jawaabayay eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya & Puntland ee ku aadan dadka ay soo musaafuriyeen ayuu sheegay in degaannada Puntland mar walba lagu dilo dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, isaga oo tusaale u soo qaatay 17 Ruux oo dhowr Bilood ka hor dil toogasho ah lagu fuliyay Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo lagu helay in u Shaqeeynayee n Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dayaceen Shacabkooda, isla markaana maalin walba dadka lagu xasuuqo magaalada Muqdisho & magaalooyinka kale ee dalka.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

DAAWO:-MW Bixii oo ka hadlay dadkii Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood
To Top