WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Rag dhac xoog leg geystay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo Carwo ku taalla degmada Hodan gaar ahaan Taleex ka qaatay Teleefano iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar.

Labada Askari ee dhaca geystay oo lagu kala magacaabo Faarax Cabdullaahi Calasow Faaraxey iyo Maxamed Abshir Maxamed Camey ayaa Carwo kaah ee Taleex ka qaatay IPHONE,  SAMSUNG iyo agab kale oo electronic, kuwaasi oo ku kacayey lacag dhan $12945.

Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  ayaa u gacan galay Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID. Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

 

Daawo:-Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Rag dhac xoog leg geystay
To Top