WARARKA SOOMAALI

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia oo kulan la yeeshay Sergey Lavrov

Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibedda Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa booqasho ku tagay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.

Wasiir Abshir Huruuse ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, iyaga oo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Ruushka.

Wasiirka arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov oo kulan qoraal kasoo saaray ayaa sheegay in iyada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobanaankii sano ee tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.

“Maanta waxaan aragnaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga, oo aan ka wada hadalno halka ay lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeenna iyo in mowduucyo dheeri ah lagu soo dari karo,” ayuu yiri Lavrov oo intaas kusii daray inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas kusii daray Wasiir Sergey Lavrov “Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia oo kulan la yeeshay Sergey Lavrov
To Top