WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Natiijooyin hordhac ah ku dhawaaqay

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku dhaawaqay natiijada horudhaca ah ee sedex degmo doorashada golayaasha deegaanka ee shalay ka dhacday 33 degmo.

Sedexda degmo ee natiijada horudhaca ah lagu dhawaaqay ayaa kala ah Bandarbeyla, Rako-raaxo, iyo Burtinle.

Degmada Bandarbeyla natiijada horudhaca ah waxa hogaaminaya ururka Kaah oo helay 48.1% codadkii la tiriyay. Ururka Mideeye oo ku soo xiga ayaa isna helay 29.2%. Ururka Sincad ayaa isna helay 15.8% codadkii la tirayay.

Degmada Rako-raaxo natiijada horudhaca ah waxa calanka u sida ururka Mideeye oo helay 41.4% codadkii la tiriyay. Waxa ku soo xiga ururka Kaah oo isna helay 33%. Sedexaad waxa ku jira degmada Rako-raaxo ururka Sincad oo helay 15.1%.

Degmada Burtinle natiijada horudhaca ah waxa horboodaya ururka Kaah oo helay 41.3% codadkii la tiriyay. Labaad waxa ku jira ururka Sincad oo helay 27.2%. Ururka Mideeye ayaa isna Burtinle waxa uu ka helay 19%.

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Natiijooyin hordhac ah ku dhawaaqay
To Top