WARARKA SOOMAALI

QM oo War kulul kasoo saartay Weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-mareer

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii qaraxyada ku bilowday ee jimcihii shalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin magaalada Buulo-mareer ee Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, waxa uu sidoo kale Guddoomiyaha uu tacsi u diray dowladda Uganda iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Csaba Kőrösi ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay dhammaan Askartii ku dhaawacantay weerarkii saldhiga Shabaabka la beegsadeen, kuwaasi oo badankood loo soo qaaday magaalada Muqdisho, lana dhigay Isbitaalo ku yaalla xerada Xalane.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Al-Shabaab ayaa shalay weerar ku biliowday qaraxyo ku qaaday saldhiga ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degmada Buulo-mareer, waxaana weerarka lagu dilay Askar farabadan oo ka tirsaneyd ciidanka Uganda, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale Al-Shabaa saldhiga ayey saanad ciidan ka qaateen.

QM oo War kulul kasoo saartay Weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-mareer
To Top