WARARKA SOOMAALI

DAAWO: MW Saciid Deni oo ka hadlay Doorashooyinkii dhacay & farriina diray

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay doorashooyinkii Golayaasha deegaannada Puntland ee shalay oo khamiis aheyd ka qabsoomay 30 degmo oo ka tirsan Maamulkaas.

Madaxweyne Saciid Deni oo khudbad u jeediyay shacabka Puntland ayaa ku boggaadiyay, una mahadceliyay dadweynaha sida wanaagsan uga qeyb qaatay doorashada qof iyo Codka aheyd ee dhacay.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ciidamada dowladda iyo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dareenka bulshada Puntland u qabto doorashada qof iyo cod uu taagan yahay meel aan laga soo noqon karin oo ay tahay in madaxdooda ay ku doortaan nidaamka qof iyo codka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: MW Saciid Deni oo ka hadlay Doorashooyinkii dhacay & farriina diray
To Top