WARARKA SOOMAALI

Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin ATMIS & Faah faahinta

Al-Shabaab ayaa saaka weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhig ay ciidanka Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weerarka kasoo baxaya faah faahino.

Weerarka oo gaadiid laga soo buuxiyey qaraxyo ku bilowday ayey Al-Shabaab gudaha ugu galeen saldhiga ciidanka Uganda ee Buulo-mareer, isla markaana waxaa weerarka kadib ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidanka ATMIS iyo Shabaabka.

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarka, waxaana la xaqiijiyay inay Al-Shabaab la wareegeen gacan ku heynta saldhiga, iyaga oo sidoo kalena gudaha u galay xaafaddo degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada ATMIS iyo Dawladda Soomaaliya oo ku saabsan wixii saaka ka dhacay Buulo-Mareer.

Xaalada degaanka Buulo mareer ayaa kacsan, iyadoo socodka dadka gaadiidka iyo ganacsigaba aysan shaqeyneyn, rasaas goos goos ah ayaana weli laga maqlayaa magaalada, diyaarado ayaa sidoo kale dul heehaabaya hawada magaalada.

Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin ATMIS & Faah faahinta
To Top