WARARKA SOOMAALI

Qaraxyo, Hub iyo saanad Ciidan oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho + SAWIRRO

Howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen Qaraxyo, Gaadiid iyo dadkii waday.

Ciidamada ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah hubka lagu soo qabtay howlgalka qorsheysan, iyadoo gacanta lagu dhigay gaari, Gurigii hubkaan lagu diyaariyay iyo laba ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay yihiin xubno ka tirsan Shabaabka.

Dhinaca kale Ciidanka amniga Soomaaliya oo howlgal qorsheesan ka wada xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen hub kala duwan ay ku jiraan, qoryo, qaraxyo iyo rasaas badan.

Saraakiisha ciidanka howlgalka wada hoggaamineysa ayaa sidoo kale sheegeen in ciidamada qabteen dharka ciidanka dowladda nuucyo kala duwan iyo agabyo kale oo ciidamada isticmaalaan.

Hay’adaha Ammaanka ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan falalka la doonayay in la fuliyo, iyagoo dhawaan dekadda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo Al-Shabaab loo waday.

Qaraxyo, Hub iyo saanad Ciidan oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho + SAWIRRO
To Top