WARARKA SOOMAALI

Wasiir ku dhintay weeraradii maanta ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyay-Akhriso

Muqdisho ( HM ) Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray Weerarkii Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qadeen Xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaallaha ee Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Dableyda Weerarka soo qaaday ay tiro ahaan ahayeen 4 Ruux,isla markaana dhammaantood la toogtay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa hadda ku sugan Xarunta Wasaarada Shaqada iyo shaqaallaha kuwaas oo sugaya Amniga.

Warar dheeri ah oo kasoo baxaya Khasaaraha Weerarka ayaa  sheegaya in weerarka dadka ku dhintay uu ku jiro Wasiir kuxigeenkii Wasaaradaasi Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ahaa Xildhibaan .

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee weerarkan ka dhashay.

Xildhibaan Sharmaarke Garaad ayaa Xaqiijiyey Dhankiisa Geerida Wasiir ku xigeenka Wuxuuna yidhi ”  Illaahay ha u naxariisto Wasiirkii ku-xigeenka wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha ahaana Xildhibaan Golaha shacabka BJFS Marxuum Swaqar Ibrahim Abdalla oo ku geeriyooday qaraxyadii iyo weerarkii wasaarada ka dhacay.

Marxuumka illaahay janatul fardowsa haka waraabiyo,

SOMALI NEWS

To Top