WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dood ku saabsan Dastuurka Maamulka Soomaliland iyo Cali Khaliif oo Hargeysa uga qayb galay-Video

Hargeisa ( HM)-Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa Xalay Khudbad uu jeediyey Wuxuu uga hadlay Arimaha Furitaanka Dastuurka Somaliland, oo Qayb ka ahayd Heshiiskii Khaatumo la gashay Xukuumadii Siilaanyo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Dadka doonaya inay badalaan Dastuurka Somaliland waa anaga,  Waxaanu doonayno maaha Sad-bursiino Nala Siiyo,   Cida leh dastuurka lama Furayo ma Summadii Geelooda ayaa ku taalla, Waxaan rabnaa oo iga daacad ah  inuu Noqdo Dastuur Jira oo Nool,  Xoogaa Sumcad ah ayaa Somaliland Debedda u martay, waana intaas oo lagala sii dhowaado.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Wuxuu si gaar ah uga hadlay dooda ka taagan Fulinta Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Iyadoo dhowaan masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay shegeeen inaan la furaynin Dastuurka Somaliland.

“Anagu Hadii aanu Khaatumo nahay , Anaga ayaa Tashanay oo Dantayada ka Aragnay inaan Somaliland La Hadalno, Iyadoo aan Nala iibsan, Balse Kama mid Noqon doono Meel Nala ka leeyahay, Cid la Xoog lagu Muquunin karo ma Jirto, Wixii aanu Muqdisho ka diidnay, Hargeisa kama yeeli doono “Ayuu yidhi Galaydh.

Madashan waxaa ku sugnaa Siyaasiyiin kala duwan iyo Shacabka magaalada Hargeisa, kuwaasi oo inta badan Soo dhoweeyay Qaabka uu Doodisa u dhigay Dr. Cali Khaliif.

Xukuumadda Muuse Biixi ayaan Weli u dhaqaanin Fulinta Heshiiskii ay Gaadheen Maamulka Khaatumo iyo Maamulkii Siilaanyo Hogaaminayey.

SOMALI NEWS

To Top