WARARKA SOOMAALI

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay Jabuuti

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw isbitaal kuyaalla dalka Jabuuti ku geeriyootay Wasiirkii Arrimaha Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo Jabuuti xanuun kula soo booday.

Mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo ehelkeeda ayaa goordhaw xaqiijiyay in ay geeriyootay Wasiir Khadiija Diiriye, waxaana geerideeda si weyn uga naxay madax iyo shacab badan oo si weyn u yaqaanay.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo kamid aheyd wafdi la socday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Jabuuti ku sugan ayaa xanuun deg deg ah kusoo booday, waxaana la dhigay isbitaal lagula tacaalayay xanuunkeeda , halkaas oo maanta ku geeriyootay.

Khadiija Diiriye ayaa soo aheyd in ka badan 23-sanno xildhibaan katirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay sidoo kale wasiir kasoo noqotay xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay Jabuuti
To Top