WARARKA SOOMAALI

Madaxda Dowladda Somalia oo War kasoo saaray geeridii Khadiijo Diiriye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Khadiijo Maxamed Diiriye oo Maanta ku geeriyootay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ku tilmaamay inay tahay mid qalbiga ka taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

“Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay marxuumad Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Marxuumadda oo ka mid ahayd wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee ka qeybgalayey Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Djibouti oo loo dhigay xannuun degdeg ah oo asiibay..

‘’Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxay ka mid ahayd ka qeygalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee Soomaaliya ay dowladnimadeeda ku soo ceshatey’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumadda Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Madaxda Dowladda Somalia oo War kasoo saaray geeridii Khadiijo Diiriye
To Top