WARARKA SOOMAALI

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Madaxda AS oo Duqeyn lagu dilay iyo DF oo War kasoo saartay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday duqeyn 17-kii bishan Disembar ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe, taasoo la sheegay in lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxda Alshabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogg Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow ayaa sheegay in Duqeynta Jilib lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo Alshabaab u qaabilsanaa abaabulka dagaalada.

Taliayaha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in in 17-kii bishan duqeynta Degmada Jilib ka dhacdayn lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud oo magaciisa afgarashadu yahay Macalin Ayman.

Macallin Ayman ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa abaabulka weerarro ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lala beegsaday Saldhigii Mareykanka ee Manda-Bay iyo ciidamda Kenya iyo weerarro badan oo loo maleegay shacabka Soomaaliyeed.

Macalin Ayman ayaa waxaa xayiraad saaray Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu ahaa aasaasaha ‘Jeysh-Ayman’ oo ah guuto Al-shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliya gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Madaxda AS oo Duqeyn lagu dilay iyo DF oo War kasoo saartay
To Top