WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo ku dhawaaqay Isbahaysi ka dhan ah Kooxda Xuutiyiinta

Maraykanka oo ku dhawaaqay Isbahaysi ka dhan ah Kooxda Xuutiyiinta Yemen

Bayaan ka soo baxay Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Lloyd Austin ayaa lagu sheegay in la sameeyey Isbahaysi Caalami oo ka hortega Weerarada ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga ee ku socdaala Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Baabul Mandab.

Isbahaysigan cusub ee uu Maraykanka horkacayo ayaa waxaa ilaa haatan la shaaciyey inay xubno ka yihiin Ciiddamo Baddeed ka kala socda 10 Waddan oo ay ka mid yihiin UK, Bahrain, Canada, France, Italy, the Netherlands, Norway, Seychelles iyo Spain.

Isbahaysigan Ciiddanka Isku-dhafka Caalamiga waxaa la sheegay inay gelbin doonaan Maraakiibta Ganacsiga ee marinkooda yahay Gacan-biyoodka Istaraatiijiyada leh ee Baabul Mandab ee Badda Cas.

Isbahaysigaasi waxaa loogu magac daray: Hindisaha Amniga ee Ciiddanka Isku-dhafka ee Jinsiyadaha kala duwan (Multinational Security Initiative)

Mareykanka oo ku dhawaaqay Isbahaysi ka dhan ah Kooxda Xuutiyiinta
To Top