WARARKA SOOMAALI

Musharax Madaxweyne Puntland oo Goor dhow shil gaari ku dhintay

Wararka aan ka heleyno wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa sheegaya in halkaasi uu shil gaari ku galay mid kamid ah Musharaxiinta u taagnaa qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

Musharax Madaxweyne  Puntland Suldaan Cabdicasiis Afguduud ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday shil gaari oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay deegaanka Qayaadsame ee gobolka Bari, kadib markii gaariga uu saarnaa Musharaxa uu rogmaday.

Marxuumka ayaa ku sii jeeday Magaalada Qardho, halkaas oo kasii wadi lahaa Ololahiisa Doorashada ka dib markii uu dhawaan shaaciyay in uu yahay Musharax Madaxweyne Puntland.

Allaha u naxariistee Suldaan Cabdicasiis Afguduud oo kamid ahaa Musharaxiinta u taagnaa qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ololaha doorashada ka waday deegaano ka tirsan Puntland.

 

Musharax Madaxweyne Puntland oo Goor dhow shil gaari ku dhintay
To Top