WARARKA SOOMAALI

Wasaarad la Wiiqay oo la siiyey reer Khaatumo & Beesha Dhulbahante oo si weyn uga biyo-diidey.

Ka dib markii golle wasiiro oo isku darkoodu noqday 70 wasaaradood oo la magacaabay, ayaa waxa wasaarad la goo gooyey lagu yuubey shacabka reer Khaatumo , waxana ninkii golaha wasiirada ugu aqoonta badnaa Dr Abdirahman M Abdi Hashi{PHD holder ah}, la siiyey wasiirka Kaluunka , halka gaar loo magacaabay wasaaradda Dekedaha iyo Badda oo hadiiba Bad shaqo lee dahay ah meesha kaliya ee laga shaqayn karo, tasoo ah maamulida dekedaha dalka.

Dadka reer Khaatumo ee aqoonta leh ayaa la fajacay jagadan , ayadoo wasiiradii muhiimka ahaa{Key Positions} kii la siiyey beesha Majeerteen hadana wasiiru dawlihii iyo W/kuxigeenkiiba loogu daray isla Majeerteen. Siyaasiyiin, Waxgarad , aqoonyahano iyo qaybaha kale ee Bulshada reer Khaatumo ayaa si weyn uga biyo diidey jagadaas, waxayna ku tilmaameen meel ka dhac aan laga fileyn xukuumada Farmaajo.

 

Inkastoo cadaalad daradani soo jiitamaysay tan iyo xukuumadii Hasan Sheekh hadana wasaaradani xataa waxay ka liidataa tii xukuumadiihii hore beeshan la siin jirey ayadoo Daa’ud Bisinlle mar loo magacaabay wasaarada Macdanta markii Dhulbahante uu diideyna loogu kabay Batroolka.

Dadka ku sugan Muqdisho ayaa si weyn uga walaacay cadaalad xumadii lagaga cabanayey dawladdii hore in xukuumadan Farmaajo markale ula timaado shacabka gobolada Khaatumo, isla markaana ayagoo rag tayyoleh u direy Soomaali inay u shaqeeyaan hadana aan la siin xilalkii ay mudnaayeen, inkastoo si kale marka loo eegana tani muujinayso qiimaha beesha Dhulbahante lagaga bayacayo suuqa kala iibsiga xilalka ee Xamar. Muujinaysana sidaan waxba ugu oolin umaddan magaalada Xamar. Saluug weyn ayaa ka tagaan xilkan la miiqay, ayadoo loo arki cadaalad darro iyo meel ka dhac xukuumada Farmaajo iyo Khayre ula badheedheen reer Khaatumo oo shuruud la’aan ugu dabaaldegay.

Warar shabakada Horufadhi soo gaadhaya ayaa sheegaya in Dr Abdrahman M Abdi Hashi uu ka biyo diidsan yahay jagadan ayadoo kolkii hore wasaarad kale loo sheegay, halka wararku sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada Dhulbahante ee awelba Garoowe ka yimidna ay la qabaan lagana yaabo inay shirar qabtaan.

Xukuumadan cusub ayaa waxa buux dhaafiyey dad badan oo jagooyin muhiim ah la siiyey balse aan sumcad badan umadda Soomaaliyeed ku dhexlahayn, halka ay si weyn uga dhexmuuqdaan dad aad ula soo shaqeeyey madaxweynihii hore Hassan Sh Maxamuud.

Sikastaba ha ahaatee waxa muuqata in umadda Soomaaliyeed ee midnimadeeda ay reer Khaatumo u dhimanayeen 26ka sano aysan tixgelin kolaba siin, cid u roona aysanba jirin, ayna muuqato inaan cidna u Qumeyneyn wadajir Soomaaliyeed haba yaraatee.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top