fikradaha

Maqaal: Hawsha sida ka Daaya Mucaaradka Khaatumow”!!.

HAWSHA SIDA KA DAAYO !!!

Mucaaradka Khatumow:-

Inta aad dhegeysanayso ee ku doodayso ama la shirtegeyso: Faysal Cali Waraabe wuxu yidhi. Waxaan filaya in Faysal Cali Waraabe haddu arko habartii oo meel lugaynaysa uu caayilaha, oo odhanlaha: Habartan xumi maxay meesha ka qabanaysa, geedkeed ha be ee!

Waxa kuu dhaanta adiga oo tebiya wararka Khatumo State oo adan weecweecin. Tan labaad, gobollada SSC waxa laga dhisay Maamulkan Khatumo State”. Marka ma aqoonsanin iyo ma jirto “Khatumo State” macno samayn mayso. Maxaa kale oo aad haysaan? Khatumo State waxa lagu dhisay shir reer SSC isugu yimi Taleex January 2012. Waxa ka baxay dad tirsan oo maamulada deriska u shaqo tegey. Dadka kale reer SSC waa tabacsan yihiin maamulka Khatumo State. Waxaad sabab iyo hadal ka dhigataan Khatumo State iyo Somaliland baa laysku daraya. Arrintaas caamadda indhaha laiyo dhegoolka aan waxba maqli karin waa garan karraan in aan waxba ka jirin, waayo laba maamul oo isqaadi kara ma aha. Laba maamul oo is ogol ma aha. Laba maamul oo islakeeni kara ma aha. Xataa laba maamul oo isdaba socon kara ma noqonyaan. Waxa keliya oo suurtowda ee ay noqon karaan waa laba maamul oo deris ah, isbarbar degan, is nabad geliya, kala ganacsada, oo dadweynuhu isdhexmaraan. Intaas haddii laga hello shirarka waa maansha Allah. Haddii laga waayana waa lagu kala tegeyaa.

Haddaba, waxa kale oo aad ogaataan in ayan Khatumo State iyo Puntland isla keenayn sanadahan, waayo maamulka Puntland beri hore ayey qorsheeyeen siyaasadda ay kula dhaqmayaan dadka iyo dhulka reer SSC. Marka shir, wadahadal, iyo waano toona ma ogola oo waxba ka bedeli mayso arrintaas. Qorshahan qarsoon ee ay la damacsan yihiin reer SSC way wada qabaan dhammaantood, sida maamulka Puntland, baarlamaanka, ugaasyada, siyaasiyiinta, xata culimada waa la ogtahay sirta ku qarsoon qorshahooda

Sida darteed, ruuxa u dhashay reer SSC ee hadda ka shaqeeya Puntland, waa rizqunminalAllah. Intii Rabbi idiin qoray waadka hellaysaan. Marka ay dhamaatanna waad iska tegeysa. Cidna hawgu cadhoon, waayo wax walba muddu leeyahay. Waxaa ayaan daro ah, haddaba, in shaqaallaha u dhashay gobollada SSC ee siyaasadda uga shaqeeya Puntland loo adeegsado inay dhib iyo dibbindaabyo u geystaan dadkoodii iyo dhulkoodii, iyagoo cid ay dhibaan ugu horaynaya magaallada ay u dhasheen iyo qoyska ay ka dhasheen. Xeellada meesha ku jirta waa camalka mustacmaradda ayaa sidaas shaqaalaha u adeegsada, oo u dira in ay koox waliba dadkooda soo dhibaan. Haddaba, waxa idinla gudboon in aad fahantaan xigmadda iyo xeeladaha siyaasadeed ee shaqadiina la xidhiidha. Waxa cilmi iyo caqli ahaan laysku raacay: Dad oo dhan waxa ugu caqli liita ilmo caruur ah oo dhashay, isla indhaha faraha iskama geliyo marka meel la seexiyo. Marka waxa isweydiin mudan sababta laydinku dirayo in aad dhulkiina soo gubtaan, dadkiina soo dhibtaan, maamulkiina uga soo horjeesataan

Fariin Gaar ah:

ISIMADDII iyo CUQAASHII qaar ee reer SSC waxaad mooda in ay isku milleen shaqadoodii dhaqan iyo siyaasadda maamulada. Waxa dayacan shaqadoodii ahayd heshiisiinta iyo kala celinta dad ka dhibi kala gaadho. Waxa raacda in ay u gurmadaan dadkooda la dhibayo ee dibindaabyo joogta lagu hayo. Waxa haboon inay u hadlaan dadkooda abaaruhu saameeyeen, ee macalluusha u darxumaysan, inta ay ku andacoonayaan Higlada ayaanu ku shirnay oo shaqo dad kale qabtay ayaanu diidan nahay.

Waxa beri dhacday in wiil yar oo geel jire ahaa aabihi wadaad ahaa maalin geel la raacay. Makhribkii ayaa wiilkii yara ku soo jeestay wadaadkii, oo ku yidhi, “Aabbe, geela salaada ka daa. Hadaad ka daynweydo tan makhrib ka daa. Hadaad ka daynweydo nuunuuda dambe ka daa”. Marka waxaanu idin odhan lahayn:

1. Khatumo State waa shaqaynaysaaye, ee ciyaarta ka daaya.

2. Madaxweyne Cali Khaliif Gallaidh iyo ragga kale ee la shaqeeya hawl wacan bay hayaan, ee qayladda ka daaya.

3. Naftiinana ka daaya kamarooyinka iyo miidhiyaha aad la hortaagin tihiin waxaan sagaaro ka biirsan

La socda, waxa beri dhaw imandoonta oo xaalku noqondoona: Cali Khaliif ii geeya; ama in ay dhacdo Khatumo State ii geeya.

Wa Billaahi Towfiiq.

Qore: Cabdijabar Xassan Axmed

xajji4432@gmail.com

SOMALI NEWS

To Top