WARARKA SOOMAALI

Wariye Bishaaro Baandey oo Maanta xukun culus lagu riday

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Maamulka Somaliland ayaa Maanta waxa ay xukun ku riday wariye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirneyd xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulkaas.

Maxkamadda ayaa Wariye Bishaaro ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, waxaana xukunkaasi ay Maxkamadda riday lagu sheegay inuu yahay mid la iibsan karo.

Hooyada dhashay oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda taas oo muujineysa dhabnimada, wararka sheegaya in xukunkaas halka sano ah la iibsan karo.

Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, taasi oo walaac ka muujiyeen wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horey ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro, waxaana xusid mudan in Wariye Bishaaro la gaarsiiyay dhaawacyo.

Wariye Bishaaro Baandey oo Maanta xukun culus lagu riday
To Top